​Madaxtooyada Somalia oo guul ka sheegatay Duqayn ka dhacday Saakow

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxtooyada Somalia, ayaa ka hadashay duqayn ka dhacday degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin kooxda Al Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo, ayaa lagu sheegay in duqayntaas lala eegtay saldhig kooxda Al Shabaab ku tababarato, taasoo muhiim u ahaa kooxdan.

Laguma faah faahin khasaaraha ka dhashay howgalkaas oo ay fuliyeen mid kamid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca.

“Saaka aroortii, waxaan amray in ciidamadeenna gaarka ah oo kaashanaya saaxiibadeenna caalamka in ay weerar ku qaadeen xarun tababar oo kooxda Shabaab ku lahayd meel u dhaw degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe.”

Duqaynta oo ay ka qayb qaateen Ajaanib ayaa lagu sheegay inuu guulaystay islamarkaana lagu wiiqay awooda kooxdan dagaalka kula jirta dowladda Somalia iyo saaxiibadeeda taageera.

“Weerarkan oo ahaa mid guul ku dhammaaday ayaa lagu burburiyay xarun tababar oo muhiim u ahayd hawlaha amni darro ee Shabaab, tani waxay wiiqaysaa awoodda cadowga uu ku soo abaabulo weerarro cusub.”

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Somalia ku dadaalayso sidii ay u uga hortagi lahayd dhammaan weerarada kooxdan iyadoo intaas la raaciyay in howgallada noocaan ah sii socon doono.

“Dowladda Federalka oo kaashanaysa saaxiibadeenna caalamka waxay qaadeysaa tallaabo kasta oo looga hortagayo in hawlgallada noocan ah aysan wax dhibaatada ah ka soo gaarin dadka shacabka," Sidaas waxaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Somalia.

Dowladda ayaa ballan qaaday inay tir-tiri doonto kooxdan xiriirka la leh Al Qacida, iyadoo War-saxaafadeedka ku muujisay inuu sii socon doono howlgalka ka dhanka ah  Al Shabaab.

Madaxweynaha Somalia, ayaa wacad ku maray in kooxdan uu dalka kaga sifayn doono muddo Labo Sano ah, waxaana bar-bar socda howlgal lagu xasilinayo ammaanka caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM