Madaxwayne Xasan Sheekh oo codsi u gudbiyey Qaramada Midoobay

Image
Madaxweynaha ayaa dalabkan hor-dhigay xogahayah UN-ka, António Guterres, oo Muqdisho soo gaarey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa António Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Talaadada maanta ah waxa uu kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay madaarka kadibna usii galbiyey Madaxtooyadda halkaasoo uu kula kulmay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen ayay uga hadleen arrimo ay kamid yihiin dowlad-dhiska, dagaalka Al-Shabaab, iyo gurmadka bini’aadantinimada.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay "guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga dalka, xoojinta dowadnimada, deyn cafinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib u heshiisinta".

Sidoo kale, wuxuu dul istaagay culeysyada iyo xaaladaha adag ee ay la tacaalayso dowladdu, kuwaas oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, saboolnimada iyo colaadaha sokeeye.

Qaramada Midoobay ayuu ka dalbaday in ay Soomaaliya ka gacan-siiso sidii looga qaadi lahaa xayiraadda hubka "si shacabka Soomaaliyeed isaga dul-qaadaan cadowga Khawaariijta Al-Shabaab".

Dhankiisa, Guterres ayaa waxa uu tibaaxay in Beesha Caalamka ay tahay in ay indhaha kusoo eegaan Soomaaliya gaar ahaan wax ka qabashadda abaaraha iyo saameynta isbadalka cimiladda.

"Tani waa booqasho garab istaag ah oo ku wajahan dowladda iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya. Booqashadan waxay noo xaqiijinaysaa in Qaramada Midoobay ay si buuxda uga go'an tahay inay taageerto qorsheyaasheenna dhanka dowlad dhiska iyo xasilinta dalka," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM