Madaxweyna Somalia oo magcaabay taliyihiisa Arrimaha Bulshada

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa magacaabay la taliyahiisa u qaabilsan dhinac arrimaha Bulshada, sida lagu sheegay Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliya.

Warqadan oo ku taariikhaysan 26 bishan, ayaa Caasho Abokar Qaasim, loogu magacaabay  inay noqoto qofka Madaxweynaha Somalia kala taliya dhinaca arrimaah bulshada.

Haweenaydaan ayaa la sheegay inay khibrad u leedahay dhanka arimaha mujtamaca, waxayna  madax kasoo noqotay  xafiiska xiriirka arrimaha bulshada Madaxtooyada Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u xushay khasiyaad kala duwan kuwaasoo loo kala magacaabay jagooyin kala duwan, waxaana kamid ahaa; agaasinka Waaxyaha Madaxtooyada, iyadoo horay Madaxweynuhu u magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada, Agaasimaha Hab Maamuuska iyo La Taliyihiisa dhinaca Amniga Qaranka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM