Madaxweynaha Galmudug oo iscasilay

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynihii Barlamanka Galmudug sheegeen inay xilka ka qaadeen  Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ku dhawaaqay inuu iska-casilay xilka Madaxweynaha Maamulkaas.

Ilo wareedyo ku sugan Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado ayaa GO u xaqiijiyay is-casilaada Madaxweyne Guuleed, oo mudooyinkii dambe xaalado caafimaad dalka uga maqnaa. 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaysa is-casilaadda Guuleed, waxaana qaybtood sheegayaan in shaqo katagistiisu la  xiriirto xaalad caafimaad, maadaama dhawaan uu qaliin dhanka wadnaha ah looga soo sameeyay dalka India. 

Wararka waxay xusayaan inuusan haysan kalsoonida shacabka iyo midda Barlamanka taasina keentay in jagadaas ka dago.

Madaxweyne Guuleed wuxuu ahaa mid aan ku fir-forcoonayn siyaasadda, isagoo mudo dhowr bilood ah aan tagin xasfiikiisa magaalada Cadaado. 

Wuxuu sido kale muddoonyinkoo dambe ku mashquulsanaa arrimaha doorashadii uu kusoo baxay Farmaajo isagoo ahaa shakhsiyaadkii ololeha uhu jiray Xasan Sheekh.

Xilka waxaa si KMG ah u hayay ku-xigeenkiisa Carrabay oo goob joog ka ahaa xafladdii caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM