Madaxweynaha Galmudug oo gaaray deegaan dhawaan laga xoreeyay ‘AS’

Image

BACAADWEYN, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta gaaray deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo ka mid ah deegaanada dhawaan laga saaray ‘AS’.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa shaqo waxaa ku wehlinaayay Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulkaadir Maxamed Nuur, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta JFS Cabdiraxmaan Alcadaala, iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin badan oo ka tirsan maamulka Galmudug iyo gobolka Mudug iyo kan deegaanka Bacaadweyn, iyaga oo uga warbixiyay xaaladda guud ee deegaanka.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta gobolka iyo laamaha ammaanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu u kuurgalo diyaar garowgoodii ku aadan ka hortagga AS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM