Madaxweynaha Galmudug oo gaaray deegaan dhawaan laga xoreeyay ‘AS’

Image

BACAADWEYN, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta gaaray deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo ka mid ah deegaanada dhawaan laga saaray ‘AS’.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa shaqo waxaa ku wehlinaayay Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulkaadir Maxamed Nuur, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta JFS Cabdiraxmaan Alcadaala, iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin badan oo ka tirsan maamulka Galmudug iyo gobolka Mudug iyo kan deegaanka Bacaadweyn, iyaga oo uga warbixiyay xaaladda guud ee deegaanka.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta gobolka iyo laamaha ammaanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu u kuurgalo diyaar garowgoodii ku aadan ka hortagga AS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM