Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Dilka Gudoomiyihii Galgaduud

Image

CADAADO, Somalia - Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), ayaa ka hadlay Dilkii xalay Muqdishu loogu geestay Gudoomihii gobolka Galgaduud Maxamed Daahir Cali, iyo Walaalkiisa Xasan Cali.

Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay gacanta ku soo dhigto gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay dilka Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud iyo Walaalkiisa, oo Koox hubaysan ku toogteen Xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshiid.

War kasoo baxay Xafiiska Xaaf ayaa lagu sheegay in Galmudug ay dalbanayso baaritaan in lagu sameeyo kiiskaasi dilka ah, kadibna gacanta lagu soo dhigo dadka dilka gaystay islamarkaana Cadaaladda la horkeenno dhagar-qabiyaashaasi caadaystay dilka dadka indhaha u ah umadda.

Dowladda Federaalka wali kama aysan hadlin dilka Gudoomiyaha Galgaduud.

Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda dilkaMaxamed Daahir Cilmi iyo Xasan Daahir Cilmi oo labaduba lagu dilay Xaafada Carafaat iyadoo halkaasi ku booqanayay Aabahooda oo xanuunsan. 

Gaariga Gudoomiyaha ayaa lagu horjaray gaari kale ay saarnaayeen dabley hubaysan, kadibna toogtey Marxuumka iyo Walalkiisa oo ahaa Nin Injineer ah, sida ay Goobjoogiyaasha xaqiijiyeen. Gudoomiyaha ma wadin wax ilaalo ah xilliga la dilayay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM