HIIRAAN: Madaxweynaha HirShabeelle oo gaarey Jalalaqsi [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

JALALAQSI, Somaaliya - Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta gaarey degmada Jalalaqsi, ee gobolka Hiiraan, oo maalmahan booqasho uu ku marayo, xilli wali aan loo caleema-saarin Madaxtinimada maamulkaasi.

Madaxweyne Waare ayaa si diiran waxaa loogu soo dhaweeyay magaalada Jalalaqsi, halkaasi oo uu ku tagey Diyaarad nooca Helicopter-ka ah, oo ay leedahay QM, iyadoo amaankana ay si aad ah u adkeeyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Somaaliya.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu kulan kula qaateyy xarunta maamulka, Saraakiil sare oo katirsan Ciidamada AMISOM, kuwa dowladda Feeraalka, Odayaasha dhaqanka iyo Madaxda maamulka degmada, kuwaasi oo uu kala hadlay amniga iyo arrimo kale.

Waare ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono sidii la isagu furi lahaa degmooyinka gobolka Hiiraan, kuwaasi oo go'doomin ku hayso Al shabaab mudo ku dhaw afar sano.

Waare ayaa booqanaya degmooyin ku yaalla gobolka, isagoo u kuurgalaya Xaaladda amni iyo nolosha dadka shacabka, oo haysta dhibaatooyin kala duwan, oo abaartii dhawayd reebtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM