Madaxweynaha Somalia iyo Guddoomiyaha Midowga Africa oo Muqdishu ku kulmay

Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Gudoomiyaha Ururka Midowga Africa Moussa Faki Mahamat iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goor-dhow soo gaarey magaalada Muqdishu, ee Caasumadda dalka Somalia.

Madax sare oo uu kamid yahay Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wafdigaas, waxaana loo galbiyay dhanka Villa Somalia.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kusoo dhaweeyay xarunta dalka Somalia looga taliyo, waxaana dhexmaray kulan saddex geesood ah oo ay uga hadleen xaaladda Somalia.

Dhinacyadaas ayaa sidoo kale isla soo qaaday dhanka amniga iyo abaaraha baahsan ee ka jira waddanka, waxayna isla qaateen in la sameeyo gurmad deg deg ah.

Booqashada Moussa Faki Mahamat ee Caasumadda dalka Somalia, waa midii ugu horeysay tan iyo markii loo doortay Gudoomiyaha Midowga Africa Bishii January, ee 2017.

Amniga Muqdishu ayaa aad loo adkeeyay saaka kahor imaanshaha Moussa Faki, waxaana la xiray dhamaan waddooyinka, gaar ahaan mida isku xirta Garoonka Diyaaradaha iyo Villa Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM