Madaxweynaha Somalia oo Abu Dhabi lagusoo dhaweeyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa xalay gaaray waddanka Imaaraadka Carabta gaar ahaan magaalada Abu Dhabi, waxaana kusoo dhaweeyay madax sare oo dalkaas katirsan.

Farmajo ayaa shalay galinkii dambe ka safray magaalada Caasumadda ah ee Muqdishu, isagoo dalkaas ku tagay casuumad rasmi ah oo ku helay boqortooyada waddankaas.

Inkastoo aysan dowladda Somalia faah faahin ka bixin socdaalkan, hadana wararrku waxay sheegayaan inuu la xariiro adkaynta xiriirka labada waddan oo muddooyinkii dambe mugdi ku jiray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Dhaxal sugaha Abu Dhabi, ahna Abaanduulaha Ciidamada qalabka sida ee dowladda Isu tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Mohamed bin Zayed Al Nahyan iyo Mas’uuliyiin kale.

Waxaa sidoo kale la filayaa in kulankaas looga hadlo xaaladda ka jirta dalka Somalia gaar ahaan Abaaraha iyo dagaalka dowladdu Iclaamisay ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Dowladda Imaraadka ayaa door weyn ku lahayd hormarinta iyo gacan siinta dowladda Somalia gaar ahaan wixii ka horeeyay doorashadii dhawaan dhacday.

GAROWEONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM