Madaxweynaha Somalia oo Abu Dhabi lagusoo dhaweeyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa xalay gaaray waddanka Imaaraadka Carabta gaar ahaan magaalada Abu Dhabi, waxaana kusoo dhaweeyay madax sare oo dalkaas katirsan.

Farmajo ayaa shalay galinkii dambe ka safray magaalada Caasumadda ah ee Muqdishu, isagoo dalkaas ku tagay casuumad rasmi ah oo ku helay boqortooyada waddankaas.

Inkastoo aysan dowladda Somalia faah faahin ka bixin socdaalkan, hadana wararrku waxay sheegayaan inuu la xariiro adkaynta xiriirka labada waddan oo muddooyinkii dambe mugdi ku jiray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Dhaxal sugaha Abu Dhabi, ahna Abaanduulaha Ciidamada qalabka sida ee dowladda Isu tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Mohamed bin Zayed Al Nahyan iyo Mas’uuliyiin kale.

Waxaa sidoo kale la filayaa in kulankaas looga hadlo xaaladda ka jirta dalka Somalia gaar ahaan Abaaraha iyo dagaalka dowladdu Iclaamisay ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Dowladda Imaraadka ayaa door weyn ku lahayd hormarinta iyo gacan siinta dowladda Somalia gaar ahaan wixii ka horeeyay doorashadii dhawaan dhacday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM