Madaxweynaha Somalia oo booqday xarun ciidan oo ku taalla Kismayo

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia- Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmajo, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey magaalada Kismaayo, ee xarunta KMG ee Jubbaland.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyeen Xubno katirsan Labada Golle ee dowladda, ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyo Mas'uuliyiin kale.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay inay la xiriirto arrimaha ciidanka isku-dhafka ah, ee lagu tababarayo Xerada Military ee Jaamacaddii hore ee Kismaayo.

Waxa uu Madaxweynaha Saldhigaasi kula hadlay boqolaal askari oo kamid noqoanaya ciidamada xoogga dalka Somalia, wuxuuna ku dhiirigaliyay inay ka shaqeeyaan sidii dalka looga saari lahaa kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamadu heli doonaan agab milatari oo dhammaystiran iyo xuquuqdii ay leeyihiin.

Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno katirsan golayaasha dowladda, ayaa la filayaa inay ku hoyan doonaa magaalada Kismayo.

Dowladda Federaalka ayaa wada abaabul dagaal oo Al Shabaab looga saarayo guud ahaan Somalia, waxaana ay ciidamo ku diyaarinaysaa gobollo badan, oo Koonfurta iyo Bartamaha dalka ku yaalla.

Maalmo kahor, Diyaarado Dagaal ayaa Warqado ku daadiyay degmooyinka Jilib iyo Jamaame, oo katirsan Jubbooyinka, kuwaasi oo loogu baaqayay Dhalinyarada u dagaalanta Al shabaab inay Kooxdaasi kasoo baxaan, kana faa'daystaan Cafiska Dowladda ee 60-ka maalmood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii la caleema-saarey waxa uu balan-qaadey in Al shabaab uu mudo labo sano ah uga saarayo dalka, isagoo ku dhawaaqay inay Somalia gashay Xaaladda dagaal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM