Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay maalinta Haweenka

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay xuska maalinta haweenka Adduunka oo ku beegan maanta oo taariikhdu tahay 08 March.

Qoraal kooban oo soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu mudane Farmaajo Hambalyo ugu diray dumarka ku nool dunida gaar ahaan Kuwa Somaliyeed isagoo ammaan kala dul dhacay doorka ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda.

Farmaajo ayaa xusay in haweenka Somaliyeed ay yihiin hal doorka bulshada, wuxuuna ku sifeeyay “Dayaxa”, isagoo ka marag kacay inaan la qarin karin kaalinta ay ku dhex leeyihiin shacabka.

Inkastoo uusan faah faahin ka bixin xuska loo dhigayo maalinta oo kusoo aaday xilli adag, hadana Madaxweynaha Somalia ayaa muujiyay inuu maqsuud ka yahay hormarka ay ku tallaabsanayaan haweenka iyo buuxinta kaalintooda ku aadan hormarka, dhismaha dalka iyo maaraynta qoyska.

Inta badan maalintan oo kale, waxaa dunida lagu qabtaa fantasiyo waaweyn oo lagu taageerayo maalinta haweenka, waxaana la sameeyaa fariimo ka dhan ah in dumarka la waxyeelleeyo.

Dumarka Somaliyeed ayaa tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe ee milatariga la daalaa dhacayay dhibaatooyin isugu jira, colaado, abaaro iyo waxyeello inta badan kasoo gaartay bulshada, halka iyagu u guntadeen inay maareeyaan nolosha ubadan oo aabayaashood buuxin waayeen doorkoodii halka kuwa kale dhexda u xirteen korinta ubad aabayaashood geeriyoodeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM