Madaxweynaha Somalia oo ka safray Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa maanta safar qaadan doona hal maalin uga baxay caasumadda dalka ee Muqdishu.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kusii jeeda waddanka Jordan oo ka dhici doono shir ay isugu imaanayaan madaxda dalalka Jaamacadda Carabta.

Kulankaas ayaa ka duwan kuwii ay horay u yeelan jireen Madaxda Carbeed, waxaana wararku sheegayaan inay ka qayb gali doonaan ilaa 16 Madaxweyne iyo Boqor.

Shirkan oo noqonaya kii 28aad ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimo kala duwan oo ay ku jirto xaaladda Somalia.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Somalia, ayaa kusii sagootiyay Madaxweynaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la qorshaynayaa in  xaaladda waddanka ee amniga iyo abaaraha uu kala hadlo mas’uuliyiinta kala duwan ee shirkaas ka qayb gali doonta.

Kulan Madaxeedkii kan ka horeeyay ayaa ka dhacay waddanka Mouritania, waxaana ka qayb galay sideed hogaamiye oo qura.

Madaxweynihii waqtigaas ee dalka Somalia ayaa ka baaqsaday inuu xaadiro shirka iyadoo waddanka ay ka socotay loollan doorasho.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun, ayaa kulankaas ku cusub.

Waa safarkii saddexaad oo Madaxweynaha Somalia uga baxo Somalia tan iyo markii la doortay bishii Febraayo 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM