​Madaxweynaha Somalia oo kulan la qaaday Madaxda maamul-goboleedyada

Image

MUQDISHU, Somalia- Labo maalin kadib doorashada Madaxweynaha dalka Somalia, waxaa kulan dhexmaray madaxda maamulka goboleedyada iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kawada hadlay arrimo ku aadan maslaxadda Shacabka iyo waddanka.

Kulan shalay ka dhacay hotel Jazeera oo ay soo xaadireen dhammaan hogaamiyaasha maamullada Somalia marka laga reebo Axmed Madoobe oo ka maqnaa Muqdishu, ayaa diiradda lagusoo saaray sidii loola shaqayn lahaa Madaxweynaha cusub islamarkaana la isaga kaashan lahaa dib u dhiska dalka.

Shirkaas oo saxaafaddu dibadda ka joogtay, waxaa markuu soo dhammaaday warbaahinta la hadlay Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo xusay inay isku af-garteen qaabkii ay u dhex-mari lahayd wada-shaqayn islamarkaana la isugu xir-naan lahaa.

Cosoble ayaa sidoo kale shacabka Somaliyeed ku dhaliilay inay xiiso badanyihiin marka la doorto hogamiye cusub isagoo tusaale usoo qaatay Cabdullaahi Yusuf, Shariif iyo Xasan.

Xiisahaas ayuu tilmaamay inay ku egtahay maalmaha hore, tan loo sameeyay Farmaajo ay la cayn tahay kuwaas oo kale, wuxuuna ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha cusub.

Hadalkan oo dadka qaybtiis siyaabo kala duwan u fasireen ayaa soo baxay xilli maadaxda maamullada Somalia farogalin toos ah kulahaayeen doorashadii ka dhacday dalka islamarkaana ka shaqaynayeen sidii ay usoo saari lahaayeen murashax gooni ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM