Madaxweynaha Somalia oo magacaabay xilal

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo saaray wareegto uu xilal ugu magacaabay shakhsiyaad kala duwan oo qaybtood ka shaqayn doonaan Madaxtooyada, halka kuwo kale ay kaaliyaan u yihiin Madaxweynaha.

Xilalka la magacaabay oo ilaa shan jago gaarayay ayaa loo kala dhiibay shakhsiyaad aad ugu dhawaan Madaxweynaah waqtigii ololaha, kuwaasoo dadaal kusoo bixiyay sidii uu Madaxweynaha Somalia booskan ugu guulaysan lahaa.

Boosaska la magacaabay, waxaa kamid ah Agaasimaha Madaxtooyada oo laga dhigay ninka lagu magacaabo Abuukar Daahir Cismaan.

Abuukar oo loo yaqaano Baalle ayaa horay u soo noqday Agaasimaha Xafiiskan markii Madaxweyne Farmaajo, uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Xilkan ayuu kala wareegi doonaan Dr. Cali Fiqi oo xilkan si KMG ugu magacawnaa.

Dhanka kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Axmed ka dhigay kaaliyihiiisa gaarka ah, waxaana booskan uu noqonayaa jagoo aysan shaacin jirin madaxdii hore.

Kaaliyahan, ayaa ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda, marna ka soo shaqeeyay Safaaradda Turkiga ee Somalia, gaar ahaan waxaa uu ahaa ninkii cododka waraaqaha u tirinayay Madaxweyne Farmaajo doorashadii 8-dii bishii February.

Halkan ka Akhriso jagooyinka Madaxweynuhu magacaabay iyo shakhsiyaadka loo dhiibay;

1. Abuukar Daahir Cismaan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

2. Prof  Nuur Diiriye Fuursade, La Taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda

3. Maxamed Cabdullahi Axmed, Kaaliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha

4. Cabdullaahi Yuusuf Maxamed, Agaasimaha Habmaamuuska Madaxtooyada

5. Cabdinuur Maxamed Axmed, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada.

Magacaabistan ayaa kusoo aaday xilli Madaxweynaha Somalia, horay jagooyin kala duwan oo kamid ah Madaxtooyada uu u magacaabay shakhsiyaad kala duwan.

GAROWEONLINE


Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM