Madaxweynaha Somalia oo mar kale dhoofaya Todobaadkan

Image

MUQDISHU, Somalia- Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhoofayo todobaadkan gudahiisa, xilli uu maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdishu.

Xogta uu GO, ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo caasumad ka helay dhigiisa dalka Masar Abdulfatah Al Sisi.

Labada hogaamiye ayaa wararku sheegayaan inay kawada hadlaan arrimaha xiriirka labada dal, iyo taageerada Masar ay siiso Somalia.

Kulanka ayaa la filayaa inuu ka dhaco magaalada Qahira ee xarunta dalka Masar.

Lama oga xilliga uu dhoofi doono, balse waxaa wararku sheegayaan inuu todobaadkan dhexdiisa tagi doona magaalada Qahira, oo ku tagayo socdaalkiisii ugu horeeyay.

Waa safarkii 8-aad ee Madaxweyne Farmaajo uga baxo dalka Somalia, tan iyo markii la doortay bishii Febraayo sanandkan 2017.

Horay ayuu Madaxweynu u booqday waddamada dalalka Urdun, Imaaraadka Carabta, Kenya, Sucuudiga , Turkiga , Itoobiya iyo UK.

Safarradiisa badan ayuu mar uu ka hadlay, wuxuu sheegay inuu ku raadinayo soo celinta sumcadda Somalia, halka kharashaadka ku baxaya uu sheegay inay bixiyaan dalalka casuumay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM