Madaxweynaha Somalia oo Muqdishu ku laabtay

Image

MUQDISHU, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, kadib socdaal kooban oo ku gaaray Boqortooyada Sacuudiga oo kusoo cumraystay.

Xubno katirsan golayaasha dowladda ayaa soo dhaweyn ugu sameeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Madaxweynaha ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay kusugnaa dalka Sacuudiga isagoo kulamo kala duwan la qaatay Madaxda waddankaas oo ugu sareeyo Boqor Salmaan.

Waxay kawada hadleen arrimo khuseeya xaaladda Somalia.

Kahor intuusan dalkaas kasoo safrin Madaxweyne Farmaajo isaga iyo wafdigiisa, wuxuu usoo duceeyay shacabkiisa iyo dalka Somalia isagoo alle uga baryay inuu dhibka ka dul-qaado, sida uu ku shaaciyay bartiisa Twitterka oo qoraal kooban soo dhigay.

Waa booqashadii ugu horaysay Madaxweynuhu ku tago waddankaas.

Howlo badan ayaa horyaalla taasoo keentay inuu safarkiisa soo gaabiyo.

Dhinaca kale, waxaa golaha Barlamanka looga fadhiyaa inay ansixiyaan magacaabista Ra'isal Wasaare Xasan Cali Khayre oo magacaabay kahor intuusan u dhoofin Boqortooyada Sacuudiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM