​Madaxweynaha Somalia oo safraya caleemo-saarka kadib

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la qorshaynayaa inuu dalka kaga ambo-baxo safarkiisii ugu horeeyay tan iyo markii la doortay horaantii bishan.

Wararka Warsidaha Garowe Online ka helayo Villa Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo dalka ka dhoofayo maalinta barri ah.

Caleema saarka kadib, Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa lagu wadaa inuu u safro dalka Sacuudiga gaar ahaan Xaramka

Waxaa la sheegay inuu u aadayo Cumraysi, halkaas oo uga soo ducayn doono shacabka iyo dalka Somaliyeed.

Boqor Salmaanka Sacuudiga ayuu wada-hadal la yeelan doonaa Cumraysigiisa kadib  iyadoo la filayo inay kawada hadlaan arrimo ku aadan hormarka Somalia, wax ka qabashada abaaraha iyo kor u qaadista xiriirka labada dal.

Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa inuu shirkiisii ugu horeeyay ee heer caalami ah uga qayb galo magaalada Riyaad halkaas oo ay isugu imaan doonaan dalalka Islaamka.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu safarro kala duwan ku tago waddamada Khaliijka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM