​Madaxweynaha Somalia oo tagay Turkiga [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

ANKARA, Turkey- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga halkaas oo loogu sameeyay soo dhaweyn ay ka qayb qaateen mas’uuliyiin katirsan xukuumadda dalkaas.

Wafdigan oo isugu jira, Xubno katirsan golayaasha dowladda oo horkacayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalkaas u tagay arrimo ay kamid tahay xoojinta xiriirka labada waddan iyo saxiixa hishiisyo cusub.

“Waxaan goordhaweyd gaarnay magaalada Ankara anagoo ah wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Somalia oo isugu jira wasiirro iyo saraakiil kale. Qorshaha socdaalkayagu waa caasumad aan ka helnay walaalaheena Turkiga iyo sidii aan aan u amba qaadi lahayn hishiisyo cusub oo labada dowladood dhexmari doona,” Sidaas waxaa GO u sheegay xubin kamid ah wafdigaas.

Socdaalkan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo ku tago Turkiga ayaa la filayaa inuu soo dhammaado Jimcaha soo socda, waxaana maalinta barri ah xarunta Madaxtooyada Ankara lagu qaban doonaa shir ballaaran oo u dhaxeeya wafdigan iyo dowladda martida loo yahay.

Arrimaha ugu muhiimsan ee kulankaas diiradda lagu saarayo ayaa GO ogaaday inay kamid tahay xaaladda abaaraha, amniga iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalah Somalia.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka taageera Somalia, isagoo ka hirgaliyay Muqdishu saldhig Milatary kii ugu weynaa ee uu ku yeesho caalamka.

Dhawaan labada Madaxweyne ayaa kuwada hadlay Taleefon kadib guushii uu xisbiga haya talada Turkiga uu ka gaaray aftidii loo qaaday Dastuurka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM