Madaxweynaha Somalia oo xilka ka qaadey Taliyihii amniga Madaxtooyada

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka ka qaadey Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin oo ahaa Taliyihii ilaalada Madaxtooyada dalka.

Farmaajo ayaa Xilkaasi u magacaabay Korneel Axmed Maxamed Af-cadey, oo sidoo kale Mas'uul ka noqon doono ammaanka Madaxweynaha, una raaci doono goobaha uu tagayo gudaha dalka.

Taliyaha xilka laga xayuubiyay Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, ayaa ah shaqsi ay qaraabo yihiin Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxa'uud, oo usoo noqday sidoo kale Madaxa Paratocol-ka.

Taliyaha cusub ee ilaalada Villa Somalia Korneel Af-cadey ayaa xilkan soo qabtay xilligii dowladdii KMG ahayd ee Madaxweyne Sheekh Shariif 2009 - 2012.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan sameeyay Xil ka-qaadis iyo Magacaabista Howlwadeenada sare ee Villa Somalia, taasoo saamaysay shaqaalihii lasoo shaqeeyay Madaxweynihii isaga ka horeeyay Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM