MD Farmaajo oo soo farageliyay Mooshinka laga keenay Xoosh

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxda sare ee dowladda Federaalka Somalia ayaa si deg deg ah usoo farageliyay Mooshinka ay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ka keeneen Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Illo-wareedo ku sugan Villa Somalia, ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Madaxweyne Farmaajo uu xalay Xafiiskiisa kula kulmay Xildhibaanada mooshinka kasoo gudbiyay Wasiir Xoosh.

Intii uu socday Kulanka, Madaxweynaha ayaa kala hadlay Mudaniyaasha Baarlamaanka sidii looga takhalusi lahaa Mooshinka, la doonayo in Xasaanada looga qaadi Wasiirka Dastuurka dowladda Somalia.

Wararka aan helaynay, ayaa sheegaya in Xildhibaanada ay ka biyo diideen Madaxweynaha dhex-dhexaadinta, islamarkaana aysan dib ugu laabaneyn  go'aankooda ah inay la xisaabtamaan Wasiirka.

Khilaafka iyo Xiisadda u dhaxeeya Wasiir Xoosh iyo Xildhibaanada ayaa cirka isku shareeray, markii ay Gollaha Shacabka laaleen amarkii Maxkamada sare ee so baxay bishii May, kaasi oo ahaa in dib loogu laabto doorashada kuraasta 8 Mudane, oo lagu muransan yahay.

Wasiir Xoosh ayaa sharci darro ku tilmaamay go'aanka Baarlamaanka uu ku baabi'iyay Amarka Maxkamadda sare, isagoo qoroollo xanaf leh soo geliyay baraha uu Internet-ka ku leeyahay, sida Twitter-ka iyo Facebook.

Qodobka 60aad ee Dastuurka, gaar ahaan faqradiisa (C), ayaa cadeynaya in Xildhibaanada ay u yeeri karaan Ra’iisal Wasaaraha, Wasiirada, Gudiyada iyo Xafiisyada Madaxa-banaan si ay ula xisaabtamaan.

Waxa uu sidoo kale qodobkan siinayaa Baarlamaanka awood ay xsaanada uga qaadi karaan mas'uukasta oo diida u-yeeridda Xildhibaanada, taasina waxay hadda haysataa Wasiirka Xoosh, oo qodobkan jebiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM