Madaxweyne Farmaajo “Dhaliisha dib noogu dhiga”

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan casho ah caawa kula qaatay magaalada Muqdishu baxda saxaafadda iyo Guddoonka ururka ay ku midaysanyihiin.

Shirkan, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiyaha golaha wakiillada Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, halka dhinca wabaahinta ay ka joogeen Xog-hayaha iyo guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta NUSOJ, wakiillo, madax ka socotay warbaahinta gaarka loo leeyahay,  Wariyaal iyo Rug cadaayo Saxaafadeed.

Ujeedada guud ee isu imaatanka labada dhinac ayaa ahaa sidii loo taageeri lahaa dowladda cusub islamarkaana loogu istaagi lahaa ilaalinta sumcadda dalka oo loo yarayn lahaa dhaliilaha xukuumadda.

Xubno u hadlay warbaahinta oo uu ka mid ahaayeen xog-hayaha ururka NUSOJ Maxamed Ibraahim Macallimmuu iyo Ustaad Yuusuf Xasan oo ah Rug-caddaa saxaafadeed ah, ayaa waxa ay sheegeen in dowladda looga baahan yahay ilaalinta xaquuqda Suxufiyiinta, dhankooduna ay diyaar u yihiin ay ka qeyb-qaadaan dowladnimada iyo horumarinta waddanka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey kulanka cashada ah, ayaa ugu horreyn u tacsiyeeyey dhammaan saxafiyiintii Soomaaliyeed ee ku dhintay ama ku waxyeelloobey iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo.

Madaxweynaha, ayaa u soo jeediyey oo ka codsadey dhammaan warbaahinta iyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay si dhab ah ugala shaqeeyaan dowladda, amniga, xal u helidda abaaraha iyo horumarinta  dhammaan hey’adaha dowladda.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in xafiiskiisa uu u furan yahay warbaahinta Soomaaliyeed oo dhan, isla markaana si loo wada guuleysto ay dowladdu ku gacan siiyaan sidii dalka loo gaarsiin lahaa rajada ay shacbiga uga fadhiyaan dowladdaan.

Warbaahinta Somaliyeed oo kusoo shaqaysay duruufo adag oo colaado iyo amni darrada isugu jira, ayaa waxaa saameeyay bur-burka waddanka ka dhacay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Addis Ababa xili Al-Shabaab oo Qabsatay Maxaas

Macwiisleyda ayaa ka filayay Al-Shabaab dhanka waqooyi inay uga imaanayso, balse Koonfurta ayaa looga yimid.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 12:41PM

Dowlad Dhiskii Soomaaliya oo Qarka u Saaran Burbur

Marka laga eego gudaha Mareykanka, waxaa jira aragtiyo cusub oo sheegaya in Somaliland….

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 07:26AM