​Madaxweyne Farmaajo oo Fariin u diray Italy

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa la kulmay safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Somaliya Ambassador Carlo Campalina.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa dhambaal hambalyo ah ka guddoomay safiir Carlo Campalina, kaasoo uu ka siday Ra’iisul wasaaraha dalkaasi.

Labada mas'uul ayaa intaas kadib iska wareystay xiriirka labada dal oo ah mid taariikhi ah oo muddo dheer soo jiray.

“Dowladda Talyaaniga waan uga mahadcelinayaa sida ay u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Somaliyed, waxaan hubaa inaana ilaawi doonin kaalinta mugga leh ee aad ka qaadataan dib u dhiska dalkaan, sidoo kale waxaa uga mahadcelinayaa Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Hambalyada uu ii soo diray,” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa dowladda Talyaaniga ka codsaday in ay si dhab ah uga qeyb-qaataan gurmadka ay u baahan yihiin dadka Somaliyed ee ay abaaraha saameeyeen, isagoo si qiiro leh u sheegay in dowladda Talyaaniga looga fadhiyo inay sida lagu garanayeyba ay sameyso dedaal dheeri ah oo dadka gurmadka u baahan lagu gaarsiinayo waxyaabaha deg dega ah sida cunnada, Biyaha iyo dawooyinka.

 “Waxaan mar kale ka codsanayaa masuuliyiinta sare ee dalka Talyaaniga in ay gacan buuxdo naga siiyaan tababarrada iyo taakuleynta ay ciidanka Soomaaliyeed u baahan yihiin, dedaal xooggan ayaan u geli doonaa sidii arrinta amniga iyo dhismaha ciidanku u noqon lahaayeen kuwa hirgala,” Ayu hadalkiisa ku daray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.”

Dhinaca kale Safiirka dowladda Talyaaniga Carlo Campalina ayaa madaxweynaha cusub u sheegay in uu heysto taageerada shacabka Soomaaliyeed oo middeysan, taasina ay muhiim u tahay dowladda uu soo dhisi doono, waxa uu sheegay in dowladda Talyaaniga ay si ka wanaagsan qaabkii hore uga caawin doonto xukuumaddiisa dhinacyada ay ka wada hadleen, lagama maarmaanna ay tahay in laga faa’ideysto awoodda shacabka, waxa uu intaa raaciyey in hoggaaminta Madaxweyne Farmaajo ay tahay mid ummadda Somaliyed ay ku kalsoon tahay.

Farmaajo oo aan wali la wareegin xafiiska Madaxweynaha Somalia, ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya mas'uuliyiin katirsan beesha caalamka tan iyo markii la doortay 08 February, 2017.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM