Madaxweyne Farmaajo oo ka dagay Jabuuti kuna wajahan dal kale

Image

JAABUTI, Somalia - Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa gaarey dalka Jabuuti, isagoo kasoo duulay Sacuudiga oo uga soo qeybgalay Shirka dalalka Muslim-ka iyo Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu kulan la qaadanayo dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo ay kawada hadli doonaan arrimo badan, oo amniga iyo xiriirka labada dalka ay kamid yihiin.

Wararka Warsidaha GO uu helayo ayaa sheegaya in Farmaajo in uu u ambabaxayo dalka Qatar, kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxda dalkaasi.

Booqashada Farmaajo ee Qatar ayaa noqonaysa midii 10-aad tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Bishii February, 2017. Masar ayaa sidoo kale casuumay Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM