Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Kismaayo

Image

KISMAYO, Somalia - Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in Maanta u safro magaalada Kismayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaba-qaabada soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha ayaa ka socota magaalada Kismayo oo shalay ay sii tageen Ciidamo gaar ah, iyo Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Madaxtooyada Villa Somalia.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada, iyadoo Ciidamo isku dhaf ah oo kuwa Kenya kamid yihiin lagu daadiyay Wadooyinka, waxaana hakad la geliyay Isku socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha.

Goobaha Ganacsiga ayaa sidoo kale la xiray.

Madaxweynaha ayaa booqan doono Jaamacadii hore ee Kismaayo, oo lagu diyaarinayo ciidamadda isku dhafka ah ee loogu talagalay howlgalka Kooxda Al shabaab looga Sifeynayo Goboladda Jubooyinka.

Waa safarkii 4aad oo Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Magaalo ka mid ah dalka tan iyo markii la doortey February 8, wuxuu horay u booqday Baydhabo, Afgooye iyo Cadaado.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM