​Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Boqor Salman [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

JEDDAH, Saudi Arabia - Madaxweynaha Somaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Kulan heer sare ah la qaatey Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salman Bin Cabdul-Casiis.

War kooban oo maanta lagu daabacay Bogga Twitter-ka Madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dalka, iyo arrimo kale oo aan la shaacin.

Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Salman soo dhaweynta diiran ee uu sameeyay, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay Iskaashi dhinacyada Maalgashiga iyo Amniga oo dhexmara Somalia iyo Sacuudiga.

Booqashada Mudane Farmaajo ee Sacuudiga oo Warsidaha Garowe Online soo qoray 10 Maalmood kahor, ayaa la xiriirto Safaradiisa hore ee uu ku tagey dalkaasi February, iyo May.

Boqorka Sacuudiga ayaa bishii February, xili uu Madaxweyne Farmaajo kula kulmay Riyadh sheegay in Sacuudiga uu siinayo Somaaliya taageero dhaqaale, iyo inuu u dhisayo Garoomo caalami ah iyo wadooyin.

Booqashadan Farmaajo ee Jeddah waxay kusoo aadaysaa xilli dowlad goboleedyada dalka qaarkood ay la safteen Sacuudiga iyo Xulufadiisa, iyadoo Xukuumadda Federaalka ay wali ku adkaysanayso go'aankeedii dhex-dhexaadnimo ee ku aadan Khilaafka Khaliijka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM