​Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Wakiillada Beesha caalamka [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha la doortay ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa Kulankii ugu horeeyay maanta kula yeeshay Muqdishu wakiilladda Beesha caalamka u fadhiya dalka.

Kulankan ayaa ka dhacay Jazeera Palace Hotel ayaa waxaa joogay safirro dhowr ah, madax kasocota UN-ka iyo Midowga Africa.

Isu-imaatinkan ayaa diiradda lagu saaray is-barasho iyo sidii wadashaqayn u dhex mari lahayd dowladda Somalia iyo waddamada daneeya ee sida dhow uga taageera ammanka, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Wakiilka QM Michael Keating, Wakiilka Midowga Africa Francisco Madeira, Safiirrada UK iyo Mareykanka ayaa ka qeybgalay Kulanka, waxaana ay ugu hambaleeyay Farmajo Guusha doorashadii shalay.

Waxay ugu baaqeen Madaxweynaha cusub in dowladdiisa cusub ka jawaabto Abaaraha ka jira dalka, oo qarka u saaran dad badan inay u geeriyoodaan iyo inay soo celiso amni lagu gaari karo in doorashada soo socota u dhacdo qaab cod iyo qof ah.

Beesha caalamka ayaa dhanka kale ugu baaqday sidoo kale Madaxda maamullada dalka inay la shaqeeyaan Mudane Farmaajo, si uu ugu guulaysto howsha loo doortay, oo caqabado badan ku hor-gudbanyihiin.

Dalka iyo Dibadda, waxaa aad loo soo dhaweeyay Doorashada Madaxweynaha cusub, iyadoo wali magaalooyin badan oo katirsan Somalia ay ka soconayaan Banaanbaxyo lagu taageerayo hogaamiyaha cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM