Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Wasiirka amniga iyo Taliyaal ciidan

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay dhammaan taliyaasha ciidammada Qalabka Sida ee dalka iyo sii hayaha xilka wasiirka Amniga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa amray Taliyeyaasha Ciidammada inay gacanta ku soo dhigaan askari shalay qof shacab ah ku dilay meel ku dhaw Isgoyska Zoobe, ee magaalada Muqdisho.

“Ma loo dul qaadan karo in askarta ay dhibaateeyaan shacab oo ay dil u gaystaan halkii laga doonayay inay difaacaan.”Ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen. Maxamed Aadan Axmed oo la hadlay Warbaahinta kulanka madaxweynaha ka dib ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Askarigii shalay magaalada Muqdisho ku dilay Qofka shacab ah ee uu amray Madaxweynaha in la soo qabto.

“Waan haynaa Akarigaas iyo Askar kale, oo loo heesto xad gudubyo, waxaana horgaynaa dhamaantood sharciga, waxa ay ka helaan ayayna leeyihiin.” Sidaa waxaa yiri Taliyaha ciidanka xooga dalka.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan Taliyeyaasha Ciidammada ay isku raaceen in ammaanka magaalada Muqdisho ay masuul ka yihiin Ciidammada Booliska iyo Nabad Sugida, halka la amray Milatariga inaan lagu arki Karin magaalada Muqdishu hadii aan looga yeerin shaqo.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka Mudane Carisaaq Cumar Maxamed ayaa tilmaamay in shacabka Somaliyeed looga baahanyahay inay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka si looga guuleysto kooxaha Nabad Diidka ah.

Kulankan ayaa kusoo aday xilli horay u dhici jireen in askartu dhibaato u gaysato shacabka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM