Madaxweyne Farmaajo oo magacaabey Ra'isal wasaaraha dalka Somalia

Image

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay Ra’isulwasaarihiisa cusub, waxana uu xilkaasi u magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Xassan Cali Khayre waa Nin dhalinyara ah waxa uu ku noolaa dalka Norway.

Wuxuu u soo shaqeeyey Hey’adda NRC ee laga leeyahay dalka Norway oo uu madax kasoo noqday.  

Dhawaanahaan wuxuu ku noolaa dalka Ingiriiska, isaga oo madax ka ahaa Hey’ada Soma Oil and Gas.

Magacaabista Ra’isulwasaaraha ayaa imaneysa maalin kadib marki madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo caleema saaray xilka madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in maanta u ambabaxo dalka Suciudiga halkaasoo wararka sheegayaan Inuu ku maqnaan doono muddo Sadex Cisho ah.

VOA+ GO

Related Articles

Muxuu Bixinayaa Sawirka Labada Taliye Sirdoon ee Ku Sugan Dalka Itoobiya?

Kulanka labada taliyeyaal ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda Al-Shabaab ay maanta…

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 06:39PM

Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Ahmed kahor Shirka Addis Ababa

Shirka waxay dalalka kale usoo direen wafuud aan Madaxweyne ku jirin, oo heerkooda hooseeyo.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 01:21PM