Madaxweyne Farmaajo oo magacaabey Ra'isal wasaaraha dalka Somalia

Image

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay Ra’isulwasaarihiisa cusub, waxana uu xilkaasi u magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Xassan Cali Khayre waa Nin dhalinyara ah waxa uu ku noolaa dalka Norway.

Wuxuu u soo shaqeeyey Hey’adda NRC ee laga leeyahay dalka Norway oo uu madax kasoo noqday.  

Dhawaanahaan wuxuu ku noolaa dalka Ingiriiska, isaga oo madax ka ahaa Hey’ada Soma Oil and Gas.

Magacaabista Ra’isulwasaaraha ayaa imaneysa maalin kadib marki madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo caleema saaray xilka madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in maanta u ambabaxo dalka Suciudiga halkaasoo wararka sheegayaan Inuu ku maqnaan doono muddo Sadex Cisho ah.

VOA+ GO

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM