Madaxweyne Farmaajo oo sharaxay dagaalka uu iclaamiyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sharaxaad ka bixiyay dagaalka uu iclaamiyay kadib xilli uu maanta ka qayb galay xaflad loo qabtay ciidamada qalabka sida ee dalka oo u dabaal dagayay 57 sano guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskooda.

Khudbad uu jeediyay Madaxweynaha Somalia, wuxuu aad uga hadlay xaaladda ammaan ee dalka iyo weerarada kooxda Al Shabaab, isagoo ugu baaqay inay hubka dhigaan, lana xaajoodaan dowladda si looga qanciyo tabashadooda.

Madaxweynaha mar uu ka hadlay daagaalkii uu dhawaan iclaamiyay, wuxuu sheegay inuusan ahayn in dalka uu galinayo dagaal toos ah, balse ujeedkiisu ahaa inuu dadka baaraarujiyo oo ku wargaliyo in xaalad dagaa lagu jiro.

“Anig Dagaal ma Iclaamin ee waxaana dadweynaha u sheegayay in xaalad dagaa lagu jiro oo waddanka dagaal ku jiro,” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa sidoo kale xusay in sannadkan kiisa kale dalka laga sifayn doono kooxdaas isagoo dadka Somaliyeed u ballan qaaday inay nabad ku ladi doonaan.

Hadalka Madaxweynaha Somalia ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii dambe kooxda Al Shabaab kordhisay weerarada ay ka gaysanayso magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM