Madaxweyne Farmaajo oo Shir Deg Deg isagu yaarey Gudiga Amniga Qaranka [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweyne Farmaajo ayaa Kulan deg deg ah isagu yeeray Gudiga amniga qaranka, si ay ugu wada hadlaan Is rasaaseyntii ciidamada shalay ku dhexmartay nawaaxiga Tiyaatarka qaranka, taasi oo ay ku dhinteen 6 Askari, oo Taliye ku xigeenka NISA ee bolka Banaadir Ciise Jiijiile uu kamid ahaa.

Shirka Todabaadlaha ahaa ee Golaha Ammaanka qaranka oo uu guddoominaayey Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Somalia ayaa waxaa lagaga hadlay Shaqaaqadii dhex martay qaar ka mid ah ciidamada Xoogga Dalka.

Madaxwayne Farmaajo ayaa arrinkaan u saaray guddi xaqiiqo raadin ah oo uu madax u yahay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xakiin Daahir Siciid (Saacid).

Taliye Saacid  oo ay wehelinayaan Wasiirka Amniga Dowladda Faderaalka ah, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada Nabad-sugidda iyo Milateriga ayaa isla markiiba soo kormeeray labadii goobood ee ay ka dhacday is-rasaasaynta, iyaga oo halkaas warbixinno kaga dhagaysteen saraakiil ka tirsan ciidamada.

Kormeerka kaddib waxaa si wada jir ah ula hadlay warbaahinta talis-yada Ciidamada Nabad-sugidda iyo Milatariga oo ku tilmaamay dhacdadaan mid fool xun oo laga xumaado, iyaga oo  xaqiijiyey in gacanta lagu hayo dhammaan dadkii ku lug lahaa falkan.

Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka ah Maxamed Abuukar Islow iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in sahilka dhacay uusan saamayn ku yeelan doonin howl-galladii lagu xasilinaayey magaalada Muqdishu, waxayna ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidankooda.

Taliyaha Booliska Jeneraal Saacid waxa uu sheegay in Boolisku ay haatan baaraayaan sida ay wax u dhaceen iyo cidda ku lug leh.

Wuxuu xusay in sida ugu dhakhsaha badan ay usoo gudbinaayaan Natiijada baaritaanka iyo in caddaaladda la hor keeni doono dhammaan dambiilayaasha kiiskaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM