Madaxweyne hore Shariif Axmed oo ka hadlay Qaraxii Laas Gacmay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka warbixiyay sida ay uga go’an tahay Ummadda Soomaaliyeed inay iska caabiso kooxda xagjirka ah ee ‘AS’, isagoo tusaale usoo qaatay dhacdo dhawaan labo wiil oo dhalinyaro ah ay ku nafwaayeen qarax ka dhacay gobolka Mudug.

Wuxuu ku ammaanay saraakiishaas naf hurida ay u hureen sidii ay u difaaci lahaayeen madaxdii ay la socdeen, isagoo hoosta ka xariiqay sida hagar la’aanta ah ee ay ku garteen inay kaga hortagaan ‘AS’ fulinta weerarkooda.

Madaweynaha ayaa Sheegay In Labadan sarkaal ay heysteen fursado ay ku baxsadaan, balse waxay ka doorbideen in si fool-ka-fool ah uga hortagaan khatarta, iyagoo muujinaya geesinimo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ku celceliyay go’aanka ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ka gaareen in ay sii wadi doonaan howlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah AS, isagoo ku nuux-nuux saday in dadaalladaas aysan ka leexan doonin weerarada iyo qaraxyada joogtada ah ee kooxdan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM