Madaxweyne Xaaf oo eedeeyay dowladda Somaaliya [Sawirro]

Image
Image
Image

CADAADO, Somaaliya - Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, oo maalmihii lasoo dhaafay safar ugu maqnaa dalka Imaaraadka ayaa maanta dib ugu laabtey magaalada Cadaado.

Shir Jaraa'id oo uu ku qabtey Cadaado, ayaa Madaxweyne Xaaf waxa uu ku sheegay in Diyaaraddii uu la socday ay mudo 5 Saacadood lagu xanbinay magaalada Hargeysa, oo uu Taraansit kusoo ahaa.

Xayiraadda Safarkiisa wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka Somaaliya, oo uu sheegay inay hadda kula jirta dagaal qaraar Galmudug, taasi oo sida uu sheegay dhabar jab ku ah shacabka uu hogaamiyo.

"Diyaaraddii aan watay 5 saacadood ayaa lagu xiyiray Garoonka Diyaaradaha Hargeysa, waxaana ay taasi muujinaysaa in Dagaal cidiya-dirir oo aan fiicnayn ay dowladda Federaalka nagula jirto," ayuu yiri Xaaf.

Wuxuu intaasi ku daray in dowladda Federaalka ay faragelin ku hayso maamulkaasi, waxaana uu ugu baaqay beesha caalamka iyo dowlad goboleedyada inay soo farageliyaan dhibaatada soo kordhaysa.

Hadalka Xaaf ayaa kusoo beegmaya, xilli Khilaaf xooggan, uu ka dhex-jiro Hogaanka sare ee maamulka Galmudug, kaasi oo ka dambeeyay taageeradii uu Xaaf u fidiyay Xulufada Sacuudiga, ee xiriirka u jaray Qatar.

Khilaafka ayaa u muuqday mid salka ku haya arrimo qabiil, marka dhinac laga eego, maadaama ay Gudoomiyaha Barlamanka Galmudug iyo Madaxweyne Ku xigeenka ay taageereen dowladda Federaalka go'aankii dhex-dhexaadnimo ee ay ka qaadatey Khilaafka Khaliijka.

Xaaf ayaa ku doodaya in xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Federaalka uu mugdi soo kala dhex-galay, kadib markii uu dhinac la saftay dowladaha Khaliijka ee is-khilaafsan.

Halkan ka akhri War Saxaafadeedka

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM