Madaxweyne Xaaf oo la kulmay xubno ka socda Beesha Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa wuxuu wada hadalo la yeeshay wakiiladda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya.

Kulanka oo Axadii ka qabsoomay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa qayb ka ahaa xubno kale oo labadda dhinac ka socday.

Fransisco Madeira iyo James Swan ayaa kala hadlay Xaaf xaaladda guud ee dalka gaar ahaan doorashooyinka soo aadan.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Xaaf ayaa lagu sheegay in shirka lagu soo qaadey "xaaladaha qallafsan ee ka jira Galmudug".

"Iyaddoo jiiran [mid] siyaasadeed oo dheer kadib markii ay kasoo cusboonaadeen xaalado dagaal oo foolxin," ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, marka laga soo tago qoraalka kasoo baxay xafiiska Xaaf ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka UN-ka iyo ururka Midowga Afrika.

Kulankaan ayaa imaanaya iyadda oo Galmudug ay wajaheyso dib-u-dhacyo ku yimid xilligii doorashooyinka iyo hanaan ay xukuumaddu sheegtay in loo marayo dhismaha Galmudug mida oo muddo qaadatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM