Madaxweyne Xaaf oo tagay Caabudwaaq

Image
Image
Image
Image
Image

CAABUDWAAQ, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa maanta gaaray magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Socdaalka Xaaf waxaa ku wehelinaya Madaxweyne ku-xigeenkiisa, xubno katirsan maamulkaas, waxaana booqashadan timid xilli degmadaas ay muddooyinkii dambe ka taagnayd xiisado dagaal.

Shacabka Caabudwaaq ayaa si wanaagsan ugu soo dhaweeyay duleedka magaalada iyo gudaha degmada iyagoo la qaatay kulan dhinacyo badan taabanayay.

Odoyaasha degmada ayuu Madaxweyne xaaf kala hadlay xiisad degmada ka taagnayd iyagoo isku af-gartay in la joojiyo colaadda.

Caabudwaaq ayaa waxaa ka dhaca dilal ku saleysan aanooyinka qabiilka ah oo si aad ah ugu badan Magaalada, Odayaashana ay wax ka qaban waayeen.

Axmed Ducaalle Geelle ayaa isku dayaya inuu ku qanciyo Odayaasha kaabo qabiilada ah ee ku sugan Degmada Caabudwaaq inay ka shaqeeyaan nabadda.

Waa safarkii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Galmudug uu ku tago Degmada Caabudwaaq, tan iyo markii xilkaasi loo caleemo saaray todobaadkii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM