​Madaxweyne Xaaf oo Wasiirada cusub horgeynaya Barlamanka

Image

CADAADO, Somalia - Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ayaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa inuu Gollahiisa Wasiiradda Cusub, uu horgeeyo Barlamanka Galmudug, si loo siiyo Codka Kalsnoonida.

Gollaha Wasiiradda oo ka kooban 22 Wasiir, 22 ku xigeen iyo 8 Wasiiru dowle ayaa u badan Wasiiro kasooo mid noqday Xukuumaddii Cabdikariim Xuseen Guuleed, taasi oo waxqabad la'aan lagu eedeeyay.

Madaxweyne Xaaf ayaa magacaabay Wasiiradda cusub, 21-ka bishan August, iyadoo ay Xildhibaanada uga digayeen inuu soo celiyo Wasiiradii hore, iyagoo ku guudiyay inaysan Codka Kalsoonida siin doonin.

Xaaf ayaa u jeedin doono Barlamanka Galmudug Khudbad uu uga codsan doono Xildhibaanada inay ansixiyaan Xukuumaddiisa, waxaana uu sidoo kale ka hadli doonaan qaabka uu kusoo xushay Wasiirada.

Galmudug ayaa wajahaysay tan iyo markii la aas-aasey 2014 caqabado, ay ugu horeyso arinta Ahlu Sunna, oo haysata magaalooyin badan, oo kamid ah Dhuusamareeb, oo ah Caasumada maamulkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM