Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Degmada Aadan-Yabaal

Image

AADAN YABAAL, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo uu kormeer ku tagayo xeryada ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ah ee ku howln dib u xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu ku guda jiro booqashadiisa Aadan-Yabaal waxa uu kulamo la qaadan doona saraakiisha ciidamada xoogga dalka, kuwa deegaanka, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn uga qeyb qaatay abaabulka iyo dardargelinta howlgallada dalka looga ciribtirayo “AS’ ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu sii jiri doono inta laga ciribtirayo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa si heer sare ah ku madaxweynaha soo dhoweeyay degmada Aadan-Yabaal, iyadoo sidoo kale ay soo dhoweeyeen, Taliska Ciidamada oo ugu horreeyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxyidiin, iyo mas’uuliyiin kale. .

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee degmada Aadan-Yabaal ayaa qeyb ka ah abaabulka uu wado madaweynaha oo ku xaqiijinaya ballan-qaadikiisi ku aadan Soomaaliya oo xor ka ah ‘AS’.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM