Madaxweyne Xasan sheekh oo ka hadlay Hiigsiga Soomaaliya ee 2060

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay diyaarinta hiigsiga fog ee horumarinta Soomaaliya oo uu ugu magac daray Hiigsiga 2060-ka, xilli uu ka qeyb galayay dood cilmiyeed cinwaankeedu ahaa “Hannaanka Jiheynta Dowladnimada Casriga ah ee Soomaaliya”.

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay aragtidan, taasoo saldhig u ah abuurista qorshe oo dammaanad qaadaysa xasiloonida geeddi-socodka horumarineed ee Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale xusay in Hiigsiga 2060-ka ee Soomaaliya uu ka tarjumayo boqol-guuradii ka soo wareegatay Xornimada Qaranka Soomaaliya. Isaga oo ku nuux-nuuxsaday in hadafkiisu uu yahay in sanadka 2060-ka uu Soomaaliya noqoto dal horumarsan.

Madaxweynuhu wuxuu faray dhammaan wasaaradaha in ay ka qaybqaataan qorshahan, isaga ooo sheegay in tallaabadan ay muujinaysa sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in ay mudnaan siiso qorsheynta mustaqbalka fog.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM