Magaalada Muqdisho oo laga xusay Qaraxii Soobe 2

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Munaasabad xus ah oo loogu duceynayay shacabkii ku dhintay weerarkii 29-kii October 2022 ee ka dhacay isgosyka Soobe ayaa maanta lagu qabtay isla goobtii uu weerarku ka dhacay.

Munaasabaddaan waxaa ka soo qeybgalay mas'uuliin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, bahda Waxbarashada iyo Caafimaadka intaba.

Waxaana lagu muujinayay sida aysan bahda waxbarashada u niyad-jabineynin beegsiga 'AS' dooneysa bulsho aan waxba baran oo ay dulleystaan, sida lagu daabacay ilaha rasmiga ahi ee dowladda.

Wasiiradda Cafimaadka,Waxbarashada, Arrimaha gudaha, Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, ayaa goobjoog ka ahaa munaasabdaan.

29-kii October 2022 waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qarax aad u xoogan oo ay ku dhinteen tabneeyo ay badnaayeen ardey wasaaradda Waxbarashada ka doonanaysay Shahaadada dugsiga sare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM