Magacyadda dadka lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ee hotel SYL

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tafaasiil dheeri ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha dhimashadda weerarkii ay Al-Shabaab fiidnimadii Talaadada ku ekeysay huteel SYL ee magaaladda Muqdisho.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in shan qof ay ku geeriyoodeen weerarka. Laba kamid ah dadkan dhintay ee la xaqiijiyey waa askar, laba kalena waa shacab iyo hal garsoore.

Hase ahaatee, xiriiro iyo baaritaan uu sameeyay Garowe Online ayaa natiijada kasoo baxay uu muujinayaa in khasaaruhu intaas ka badan yahay, wallow aan wali la ogaan tiradda dhabta ah.

Dadka la hubiyey in ay ku naf-waayeen weerarka ayaa magacyadooda waxaa lagu kala sheegay in ay kala yihiin;

Cabdulqaadir Cumar Cabdi, oo ahaa Garsoore ka tirsanaa Maxkamadda Racfaanka

Maxamuud Ismaaciil Warsame Muuf, oo kamid ahaa saraakiisha ilaaladda Madaxtooyadda Soomaaliya.

Muuf oo kamid ahaa saraakiishii ugu horeyay ee huteelka la gashay ayaa sanadihii u dambeeyay la shaqeynayey madaxdii soo martay dalka.

Dhinaca kale, tiradda dhaawaca oo laamaha ammaanka shaaciyeen in ay gaareyso in ka badan 10 ayaa waxaa ku jira;

Cabdixamiid Cabdikariin Xuseen, guddoomiye ku xigeenka dagmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Marka laga soo tago sheegashadda hay'addaha nabad-gelyadda, Al-Shabaab waxay soo bandhigtay tirro intaan ka badan. Dhimashadda waxay ku tilmaamtay 25, dhaawacana 39 xubnood.

Warbaahinta taabacsan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa lagu soo bandhigay magacyadda dadka ay ku sheegeen mas'uuliyiin, shaqaale dowladeed iyo saraakiil dowladda ka tirsan.

Weerarka Huteel SYL oo ku dhow Madaxtooyadda Soomaaliya, dhowr tilaabo-na u jira hoyga madaxweyne Farmaajo waxaa fuliyey shan dabley kuwaas oo dhamaantooda ay ciidamadu toogteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM