Xildhibaanada Ahlu Sunna ku metelaya Galmudug oo la shaaciyey

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ahlu Sunna Waljameeca ayaa Isniinta maanta ah soo bandhigtay liis ka kooban 20-Xildhibaan oo ku metelaya baarlamaanka Galmudug.

Tiraddan la siiyey ayaa ku timid is-afgarad iyo heshiis la kala saxiixdey oo dhexmaray ururka iyo dowladda Soomaaliya oo ku lug leh dhismaha Galmudug-ta cusub.

Qoraalka lagu shaaciyey magacyadda mudaneyaasha oo xulistooda lagu saleeyay hanaanka awood qeybsiga ee 4.5 waxaa ku saxiixanaa Madaxa Xukuumadda Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa xudun u ahaa wada-hadalka dhexmaray dowladda federaalka iyo Ahlu Sunna oo la sheegay in Beesha Caalamka ay kaalin weyn ku lahayd.

Saaxiibadda Caalamka ayaa ku adkeystay ahmiyada ay leedahay in doorashadda ay noqoto mid hufan oo la aqbali karo lagana talageliyey murashaxiinta mucaaradka.

Inta illaa iyo haatan la og-yahay, waxaa xilka madaxweynaha u taagan in ka badan saddex murashax oo ka kala socda Villa Soomaaliya iyo xisbiyadda mucaaradka.

Doorashadda madaxweynaha iyo baarlamaanka Galmudug ayaa loo muddeeyay in ay dhacdo bisha Janaayo ee sanadka dambe 2020, sidda ku xusan jadwalka coddeynta.

Hoos ka akhriso magacyadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM