Maraakiib "jariif" kawada biyaha Soomaaliya oo digniin loo diray

Image
Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Buluugga ah ayaa waqti kama dambeys ah u qabatay gaadiidkan badda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Buluugga ah Soomaaliya ayaa waqti kama dambeys ah u qabatay maraakiibta iyo doonyaha "aan ruqsada heerka federaal haysan ee ka kalluumaysanaya xeebaha dalka".

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online, wixii mudadaas ka dambeeya waxaa laga qaadi doono "talaabo waafaqsan sharciga caalamiga ah".

Bayaanka ayaan lagu caddeyn dalalka laga leeyahay maraakiibta iyo doonyahan. Sidoo kale, waxaan lagu carabaabin cidda ay ruqsadda ama ogolaanshiyaha ka haystaan gaadiidkan badda.

Balse, digniinta wasaaradda ayaa kusoo hagaagaysa xilli Puntland ay dhowaan ka digtey meelmarinta sharciyo la xiriira kalluumeysiga Soomaaliya kaasoo horyaalla Golaha Shacabka federaalka.

Warsidaha Garowe Online ayaa aaminsan in madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu warqada digniinta ah ku xalaalaynayo ku dhowaad 65 ruqsado kalluumeysi oo uu siiyey maraakiib kalluumeysi.

Khuburadda oo sharci darro ku tilmaamay ruqsadaha uu bixiyey Deni ayaa aaminsan in darafyadda la siiyey ay ku jiraan ganacsato horey ugu caan baxay jariifka kalluumeysiga, siyaasiyiin kamid ah ururadda siyaasadda iyo shaqsiyaad kale.

"Madaxweyne Deni waxa uu ruqsadahan ku iibsanayaa muddo kororsi sharci darro ah oo ay ku taageeraan ururadda siyaasadda qaarkood iyo in uu ka helo dhaqaale uu ku ololaha ku galo," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

Sharciga kalluumaysiga, kan batroolka iyo arrimaha dastuurka ayaa ka mid ah kuwa ay sida weyn isugu maandhaafsanyihiin Puntland iyo dowladda federaalka, iyada oo xukuumadda Deni ay sheegtay in ay hakisay xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM