Mareykanka: Ololahan ka socda Soomaaliya ma horseedayo xasilooni

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka ayaa si cad wuxuu qiray in xasilooni ay Soomaaliya ku naalooto aan lagu keeni karin awood ciidan.

Soomaaliya ayaa tobbankii sano ee lasoo dhaafay dhexda uga jirta qalalaaso dhanka ammaanka ah taas oo ay sabab uu tahay Al-Shabaab.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida oo caasimada ay ka saareen ciidamada AMISOM ayaa haatan u xuub-siibatay tuulooyinka miyiga ah.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa halkaas ku duqeynaya kuna beegsanaya hogaamiyeyaashooda.

Miguel Castellanos, ku xigeenka agaasinka howlgalada ee taliska AFRICOM, ayaa tilmaamay in dowladiisu ka go'an tahay ciribtirka Al-Shabaab.

"Howlgalkeena waxaa ka go'an in Soomaaliya ama deriskeeda aysan xasilooni darro ka abuurin shabakado argagixiso," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: "Xitaa ma daneynayo in ay khatar amni ku noqdaan danaha xulufadda caalamka iyo Mareykanka".

"Waxaan aqoonsanahay in xasiloonida Soomaaliya aan lagu gaari karin awood milatari. Waxay u baahan tahay horumar iyo dowladnimo".

Soomaaliya ayaa 2020-21 isku diyaarineysa doorasho qof iyo cod ah, wallow shaki badan laga muujinayo maadaama uusan heshiis mideysan jirin.

"Ciidamadda Soomaaliya iyo saaxiibadooda AMISOM waxay si adag ugu shaqeynayaa abuuritaanka jawi amni si loo xoojiyo dowladnimadda iyo horumarka dhaqaale," ayuu kusoo xiray.

Mareykanka oo kamid ah dalalka taageerada xoogan dowladda federaalka ah ayaa waxaa dalka ka jooga in ka baddan 500 oo askar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM