Mareykanka oo baaq degdeg ah kasoo saarey xaalada Laascaanood

Image
Dagaalada ka dhacay magaaladda ayaa galaaftey in ka badan 100 ruux oo u badan dad shacab ah.

HARGEYSA, Somaliland - Hawlgalka diblamaasiyadeed ee Maraykanka gudaha Soomaaliya ayaa dalbaday xabbad-joojin "degdeg ah" oo shuruud la'aan ah kana hirgasha magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Hadalkan ayaa ka dambeeyey ka dib markii wefti ka socda safaaradda oo uu hoggaaminayey safiir ku-xigeen Tim Trenkle ay gaareen caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isla markaana ay kulamo wada-tashi ah ku yeesheen madaxda siyaasadda iyo bulshada rayidka ah.

Weftiga ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxaanay ka wadahadleen shaqaaqadii ka dhacday Laascaanood iyo qaabka xal degdeg ah lagu gaari karo.

“Wadahadal daacad ah oo saaka la yeeshay madaxweynaha Somaliland @Musebiihi oo ku saabsan khasaarihii naxdinta lahaa ee naf iyo maal ee ka dhacay Laascaanood. Mareykanka wuxuu kula biirayaa beesha caalamka baaqa ku aadan xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la'aan ah & gargaar bini'aadannimo oo aan caqabad lahayn,” ayay tiri safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland iyo Trenkle ay ka wadahadleen cilaaqaadka Somaliland iyo Maraykanka, shaqaaqada Laascaanood iyo amniga gobolka.

"Waxa kale oo ay ka wadahadleen in dib loo bilaabo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya," ayay raacisay iyadda oo aanan bixin fahfaahin intaas kasii badann.

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ka taagan xiisad dagaal oo u dhexeysa ciidamada maamulka Somaliland iyo dadka degaanka saddexdii toddobaad ee u dambeeyay ka socday.

Rabshadahaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur labada dhinac ah. Hase ahaatee, waxaa wehliya burbur xooggan oo soo gaarey kaabayaasha dhaqaalaha muhiimka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM

Koonfur Galbeed oo Mas'uuliyiin katirsan DFS ku Eedeysay inay Xiriir la leeyihiin Al-Shabaab

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay joojinta wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Muqdisho.

  • Soomaliya

    18-03-2026

  • 08:47PM