Mareykanka oo baaq u diray Dowladda Federaalka iyo Maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Mareykanka oo war-saxaafadeed kasoo saarey xaaladda siyaasadda Soomaaliya ayaa waxay baaq u diray Dowladda Federaalka iyo maamuladda xubinta ka ah.

Bayaanka oo si toos ah uga soo baxay safaaradda Washington ee Muqdisho ayaa loogu booriyey dhinacyadda siyaasadeed ee dalka in ay wada hadal ku dhameeyaan dhamaan ismaandhaafkooda.

"Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhammaan Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiin siyaasadeed, iskaashi, iyo midnimo ayadda oo loo maraya wadahadal nabadeed".

Baaqan ayaa kusoo aadaya xili khilaaf uu u dhaxeeyo qaar kamid ah maamuladda iyo Madaxtooyadda kaasoo salka ku haya arrimo masiiri ah oo ay kamid tahay doorashadda soo aadan, amniga iyo deeqaha caalamka.

"Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah oo laga dareemayo dhinacyadda muhiimka ah," ayuu ku daray qoraalka oo nuqul kamid ah uu helay Garowe Online.

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay dooneyso in "qaab ay ku jirto danaha madaxda haatan jirta u dhigto coddeynta 2020-ka".

"Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan inay isu yimaadaan oo ay la shaqeeeyan saaxibada Soomaaliya ee caalamiga ah si loo helo nabad, xasilooni, iyo barwaaqo," ayaa lagu soo xiray warka qoraalka ah.

Soomaaliya ayaa rajeyneysa in cod-bixinta soo aadan ay noqoto qof iyo cod ah, balse gaabis dhanka xukuumadda dhexe ka yimid ayaa sababay in mugdi uu hareeyo, sidda ay sheegeen xisbiyadda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM