Mareykanka oo baaq u diray Dowladda Federaalka iyo Maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Mareykanka oo war-saxaafadeed kasoo saarey xaaladda siyaasadda Soomaaliya ayaa waxay baaq u diray Dowladda Federaalka iyo maamuladda xubinta ka ah.

Bayaanka oo si toos ah uga soo baxay safaaradda Washington ee Muqdisho ayaa loogu booriyey dhinacyadda siyaasadeed ee dalka in ay wada hadal ku dhameeyaan dhamaan ismaandhaafkooda.

"Dowladda Mareykanka waxay ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, dhammaan Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan dib-u-heshiisiin siyaasadeed, iskaashi, iyo midnimo ayadda oo loo maraya wadahadal nabadeed".

Baaqan ayaa kusoo aadaya xili khilaaf uu u dhaxeeyo qaar kamid ah maamuladda iyo Madaxtooyadda kaasoo salka ku haya arrimo masiiri ah oo ay kamid tahay doorashadda soo aadan, amniga iyo deeqaha caalamka.

"Soomaaliya waxay ku tallaabsatay horumar wax ku ool ah oo laga dareemayo dhinacyadda muhiimka ah," ayuu ku daray qoraalka oo nuqul kamid ah uu helay Garowe Online.

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay dooneyso in "qaab ay ku jirto danaha madaxda haatan jirta u dhigto coddeynta 2020-ka".

"Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan inay isu yimaadaan oo ay la shaqeeeyan saaxibada Soomaaliya ee caalamiga ah si loo helo nabad, xasilooni, iyo barwaaqo," ayaa lagu soo xiray warka qoraalka ah.

Soomaaliya ayaa rajeyneysa in cod-bixinta soo aadan ay noqoto qof iyo cod ah, balse gaabis dhanka xukuumadda dhexe ka yimid ayaa sababay in mugdi uu hareeyo, sidda ay sheegeen xisbiyadda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM