Mareykanka oo danjire cusub u soo magacowdey Soomaaliya

Image
Safiirka cusub ayaa waxa uu badalayaa Larry André oo xilka hayey tan iyo bishii Janaayo ee 2022-dii.

WASHINGTON, United State - Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa u magacaabay diblumaasi Richard Riley inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Aqalka Cad.

Riley ayaa, sidda ku xusan bayaanka, waxa uu haatan ah  diblamaasi sare oo ka tirsan safaaradda Maraykanka ee Ottawa, Canada gaar ahaan waxa uu qaabilsan arrimaha dhaqaalaha.

Horay waxa uu uga soo shaqeeyay Pakistan, Afghanistan, Iraq, UK, China, Russia iyo kuwo kale oo ka muhiimsan Yemen oo uu ka soo noqday ku xigeenka madaxa hawlgalka.

Howlgalka Ameerikaanka ah ee Soomaaliya, Richard Riley ayaa waxa uu xilka ka badalayaa Larry André oo tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii hore 2022-kii ku sugnaa magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM