Mareykanka oo dhaliil culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka ayaa warbixin fahfaahsan oo dul istaageysa arrimo badan uu wuxuu kasoo saarey xaaladda wadamada aduunka ee dagaalka adag kula jira wax loogu yeero "argagixisadda".

Warbixinta oo quseysa sanadkii 2018-kii ayaa bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka lagu daabacay 1-dii November ee sanadkan 2019.

Ugu horeyn, warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda iyo saaxiibadooda oo kordhiyay cadaadiska Al-Shabaab ay ku riixday in ay bedesho xeeladeeda.

Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa u wareegsaday adeegsiga walxo qarxa, iyaga oo ka baaqsaday fulinta howlgaladda waaweyn, sida ku xusan qormadda.

"Iyadda oo cadaadiska jiro, haddana Soomaaliya ayaa wali gabaad u ah argagixisadda, sababtoo ah kooxaha oo adeegsada qoysaskooda".

Soomaaliya ayaa xubin buuxda ka ah Isbaheysiga ka dhanka ah kooxda la magacbaxday Dowladda Islaamka oo qaybo kamid ah dalka ku sugan.

"Tani waxay fursad u siisaa in ay qortaan dagaalyahano cusub, qorsheeyaan howlgalo gudaha iyo dibada ah si lamid ah lacago uruurinta".

Badda howlgaladda ay labadda koox – Shabaab iyo Daacish – fuliyeen 2018-kii waxay ku beegsadeen huteelada, xarumaha dowladda iyo saldhigyadda.

"Weerarada ayaa u ogolaa kooxaha in ay qabsadaan hub, rasaas, darees, agab ciidan iyo saanad," ayay daboolka ka qaadey warbixinta.

Sharciga la dagaallanka argagixisada

Sidda ku cad warbixinta, Mareykanka ayaa ku dhaliilaya dowladda federaalka in aysan wax horumar ah ka sameynin xeerka la dagaallanka argagixisada.

Sharcigan oo ay meelmariyeen Golaha Wasiiradda ayaa haatan horyaala Golaha Shacabka, wuxuuna u baahan yahay akhrin saddexaad iyo meelmarin.

"Ma jirin isbadal la taaban karo oo ku yimid qaab dhismeedka sharciga Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada iyo hanaanka sharci fulinta ee sanadkii 2018," ayaa lagu yiri warbixinta oo nuqulo kamid ah uu helay GO.

Hindise Sharciyeedkan ayaa kamid ah ajendeyaasha ugu horeeya ee kalfadhiga 6aad ee Aqalka Hoose uu ka doodi doono kulamadda soo aadan.

"Amniga xadka Soomaaliya oo aad u dabacsan ayaa u sahleysa argagixisada in ay u talaabaan wadamada deriska kana soo talaabaan marka ay fal sameeyaan".

Gabagabadii, iskaashiga aduunka ee ka dhanka ah argagixisadda Soomaaliya oo ay iska kaashanayaa xulufo badan oo caalami ah ayay warbixinta tooshaka ku ifineysaain uusan 2018-kii ahayn "mid aad u buuran".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM