Mareykanka oo diilin casaan ah u xariiqay maamulka Somaliland

Image
Washington ayaa wax u muuqata digniin kama dambeys ah hawada u marisay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoraal safaarada Mareykanka ku shaacisay booggeeda Twitter ka ayaa lagu sheegey in madaxwayne Muuse Biixi Cabdi laga doonayo in ciidamada Somaliland ka durjiyo Laascaanood.

Baahinta qoraalkan ayaa ka dambeysay markii wadahadal dhinaca telefoonka ah ay yeesheen Biixi iyo danjiraha Ameerika u fadhiya magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Labada dhinac ayaa, sidda laga soo xigtey war-saxaafadeedka, sidoo kale waxay isla soo qaadeen doorashooyinka maamulka ee madaxtooyadda taasoo dib-u-dhac weyn uu hareeyay.

Danjire André Larry ayaa ku tartarsiiyey Biixi in uu degdeg u soo saaro jadwalka doorashadda kahor inta aan la dhaafin mudada cusub ee loo qabtey xilli mucaaradka ay ka digayaan cawaaqib-xumo baahsan.

"Waxaa ku dhiirigaliyey in labadaas arrimood uu fuliyo," ayaa lagu yiri bayaanka safaaradda oo lagu soo xigtey diblumaasiga. Wadaxaajoodka ayay safaaradda ku sheegtey in uu ahaa "mid laab-xaarasho ah".

Qoraalka safaarada Mareykanka ayaa lagu sheegay in uu ahaa midkii ugu adkaa ee kaga yimaada beesha caalamka gaar ahaan xukuumadda Washington kaas oo lagaga dalbanayo inuu isaga baxo Laascanood.

Falanqeeyeyaasha ayaa waxay rumeysan yihiin in qoraalkan uu ka dhigan yahay in Washington ay ka fekereyso talaabooyin dheeraad ah haddii maamulka Hargeysa u hogaansami waayo digniintan kama dambeysta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaray xarun sirdoon

In ka badan 50 dagaalyahan ayaa si xun u dhaawacmay, wasaaraddu waxay sheegtay.

  • Soomaliya

    14-09-2025

  • 08:40PM

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM