Mareykanka oo go'aan ka qaatay geedi u socodka doorashadda Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa kulan la yeelatay laba kamid ah murashaxiinta doorashadda Galmudug.

Cabdiraxmaan Odowaa, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, iyo Kamaal Guute, oo xisbiga Wadajir ka tiran ayaa la fariistay safiirka.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaaradda ayaa lagu shaaciyey in ay kawada hadleen geedi u socodka coddeynta.

Warka ayaa lagu xusay in ay isla soo qaadeen baahida loo qabo in geedi u socodka doorashada ay noqoto mid daahfuran oo loo dhan yahay.

Illo ku dhow safaaradda ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in xukuumadda Washington dooneyso in doorashadda ay noqoto mid ka fog farogelin isla markaana hanaankeeda uu yahay mid daahfuran.

"Hay'addo dowladeed oo xoogan ayaa adkeysi badan leh oo la tacaali kara qalalaasaha bini'aadanimo, ciribtirka argagixisadda iyo abuurista nabad, xasilooni iyo barqaada Soomaaliya," ayaa lagu yiri qoraalka.

Villa Soomaaliya oo ku eedeysan farogelinta doorashooyinka maamuladda ayaa murashax gaar ah u dirstay Galmudug kaasoo xukuumadda ka tirsanaa.

Axadii, 1-da December 2019, ayay ahayd markii danjiraha Mareykanka, Donald Yamamota, uu qaabilay madaxweynaha 7aad ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran, Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka ayaa xooga lagu saarey doorashadda soo aadan ee Soomaaliya, xaaladda xisbiyadda iyo khilaafka maamulada iyo dowladda federaalka.

"Waxaan kaloo la wadaagnay in marna aanan raali ka ahayn dib u dhac iyo waqti kordhin loo sameeyo dowladda oo ay waajib tahay in doorasho la aado," ayuu Shariif ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Doorashadda Galmudug oo qorshuhu ahaa in ay qabsoonto bishaan December ayaa waxaa dib loogu dhigay muddo todobaad ah sidii loo dhameyn lahaa tabashooyinka imaanaya mucaaradka, Ahlu Sunna iyo bulshooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM