Mareykanka oo ka warbixiyey duqeyn uu la beegsaday Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyey weerar dhanka cirka ah oo 3-dii Janaayo, 2020 ka fuliyeen Koonfurta Soomaaliya.

Duqeynta oo aysan shacab waxba kasoo gaarin ayaa ka dhacday degaanka Bacaw, oo dhaca duleedka degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, sidda laga soo xigtay qoraalka.

AFRICOM ayaa shaacisay in howlgalkaas uu ku yimid wadashaqeyn ay la yeesheen kumaandooska Soomaaliya iyo AMISOM.

"Waqti xaadirkaan, waxaan xaqiijinay in duqeynta lagu dilay saddex [3] kamid ahaa maleeyshiyaadka," ayuu raaciyey war-saxaafadeedka.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda Washington oo illaa iyo haatan kasoo baxay ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Weerarkan dhanka cirka ayaa noqonaya duqeyntii ugu horeysay oo Mareykanka fuliyo sanadka cusub 2020 gudaha Soomaaliya.

Sanadkii hore 2019-ka, Mareykanka ayaa Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya la beegsaday 53 duqeyn oo lagu khaarijiyey tobanaan xubnood.

3-dii Janaayo, 2019, ciidamadda Soomaaliya ayaa shaaciyey in howlgal ay ka fuliyeen degaanka Beelow Eylo oo ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen 30 Al-Shabaab kuna fashiliyeen "weeraro argagixiso".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM