Mareykanka oo qirtay in uu rayid ku dhaawacay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa xaqiijiyey in saddex qof shacab ah ay ku dhaawacmeen duqeyn ay 1-dii Janaayo, 2021-ka ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Qiraalkan ayaa lagu caddeeyay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska AFRICOM. Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online waxaa lagu xusay in shilkaas ku yimid "si aan ku talagal ahayn".

Dhanka kale, qoraalka ayaa lagu beeniyey in howlgal wadajir ah oo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Ameerikaanka ay fuliyeen May 9, 2018 ay ka dhalatay waxyeelo soo gaartey 5 rayid ahaa.

"Warbixintan waxay xusuusin u tahay sheegashooyin kale oo la xiriira dhacdadaas oo taliskeena soo gaarey. Qiimeyn kale waxaan xaqiijinay in aysan sax ahayn," ayaa la raaciyey warka qoraalka ah.

Taliyaha AFRICOM, General Stephen Townsend, ayaa hoosta ka xariiqay in ay ahmiyad gaar ah iska saarayaan sidii ay uga fogaan lahaayeen dhibaato duqeymahooda kasoo gaarta dadka aan waxba galabsan.

"Duqeyn kasta oo xagga cirka ah, waxaan sameyneynaa qiimeyn horudhac ah kahor faafinta rasmiga ah si loo yareeyo ama loo xaqiijiyo suurtagalnimada waxyeello rayidka," ayuu Townsend.

Wuxuu ku daray: "Nasiib darro, duqeynteenna 1-da Jannaayo oo loogu talagalay inay ilaaliso dib-u-dejinta ciidamada Mareykanka oo si sax ah u garaacday bartilmaameedkii loogu talagalay, waxay u badan tahay inay sidoo kale dhaawacday saddex qof oo rayid ah oo meesha ka dhawaa".

Hase ahaatee, Townsend ama bayaanka midkoodna ma aysan soo hadal-qaadin haddii ay magdhow siinayaan qoysaska dadkaas oo fagaareyaal ka sheegay in ay doonayaan cadaalad si deg-deg ku timaadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM